Wasiirkii Amniga Jubbaland oo goordhaw lagu xiray garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
24

Wasiirkii amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa goordhaw lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , kadib markii lagala degay diyaarad transit ku aheyd Muqdisho kana timid magaalada Kismaayo.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada amaanka ayaa gudaha garoonka ku xiray Wasiirka Amniga Jubbaland kadib markii ay ka reebeen diyaarad uu usii raaci lahaa magaalada Adis Ababa dalka Itoobiya uu safar u ahaa.

Wali lama oga sababta loo xiray Wasiirka amniga Jubbaland oo aad ugu dhaw Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana Wasiirka horey loogu heestay tacadi uu ka geestay magaalada Doolow xili uu halkaasi maamulayay.

Booliiska Soomaaliya ayaa horey u jaray  waaran lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan oo loo heestay dambiyo ay kamid ahaayeen Maxaabiis lagu dilay Degmada Doolow, lamana oga xarigan in uu daba socdo kiiskii horey loogu heestay.

Makamada Gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkan soo saartay amar lagu burinayay waarankii horey loogu jaray Cabdirashiid Janan, waxaana xiligaa kadib Wasiirka amniga Jubbaland Muqdisho ku yimid safar qarsoodi ahaa iyadoona la xirin.

Qabashada Wasiirka amniga Jubbaland ayaa imaanaya xili dowlada federaalka Soomaaliya ku amartay diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here