Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Muhiimadda Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug

0
16

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la qaatay ganacsatada magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay qorshaha furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, ee loogu diyaar garoobayo dhisamaha Galmudug loo dhanyahay.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirka inta uu socdo si wayn looga wada xaajoon doono dhimaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si dhammaan reer Galmudug ay u helaan adeegyada dowladeed ee ay u baahanyihiin ayna ula tartamaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa caddeeyay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si caddaalad ah ay u gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ka mira dhalinta shirka iyo dhammaan howlaha la xariira dhidibba u taagidda  Galmudug Dhammeys ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here