Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka oo la kulamay Xisbiyada siyaasadda

0
29

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL ee magaalada Muqdsho  kula kulmeen Madaxda Xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalka.

Kulankaan oo uu shir gudoominaayay guddomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji,waxa ujeedadiisu aheyd sidii loo dhageysan lahaa waxyaabaha asxaabta siyaasadeed ay ka qabaan shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan gacanka ku hayo Guddigaasi .

Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here