Haweeney Is Qarxin Rabtay Oo Lagu Toogtay Baardheere

0
14

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay toogteen haweeney la sheegay in ay dooneysay in ay isku qarxiso saldhigga degmadaasi.

Haweeneydan oo gaari ka yimid magaalada Baydhabo uga degtay afaafka saldhigga Booliiska, ayaa la sheegay in ay ugu horreyn Bam gacmeed ku tuurtay askar fadhiday Kontaroolka ka horreeya saldhigga, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen Labo askar.

Ciidankii kale ee ka dambeeyey askarta ay bamka ku weerartay ayaa rasaas ku furay haweeneydan, iyaga oo halkaasi ku dilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmadaasi.

Ciidamada ayaa intaasi kadib meydka haweeneydan baaritaan kula dhaqaaqay, waxaana ay ka heleen walxaqa qarxa oo ay xirneyd iyo sidoo kale kaar aqoonsi oo muujinaya iney ka tirsan tahay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here