Ciidanka Kumaandooska oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ku soo qaaday Awdheegle

0
15

Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka xoogga dalka ee Kumaandooska iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Kumaandooska ka sameysteen deegaanka, waxaana la sheegay inay iska difaaceen.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 4 dagaalame, halka shan kalena ka dhaawaceen, isla markaana uu ahaa isku day weerar la fashiliyay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska ay la wareegeen degmada Awdheegle oo ka mid ahaa deegaanada ay sanadihii u dambeeyay maamulayeen Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska ayaa horay u xaqiijiyay ammaanka deegaanada Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo ay kala wareegeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here