Waxii aan kusoo arkay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud (Daawo Sawirro)

0
141

14 sanno kaddib waxaan socdaal ugu anba-baxay magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, bartamaha Gobalka Galgaduud.

Habeen sii dhammaanaya oo lagu jiro bil Ramadaan ayaa dhex joogsaday kaddib safar qaatay 18 saacadood oo xiriir oo aan kaga nimid Xamar.

Imaanshahaygu wuxuu natiijo ka ahaa hilow iyo buseyl igu sii daba-dheeraaday oo aan u qaaday magaaladii aan kusoo indha-qaaday taniyo carruurnimadayda. Markii iigu danbeysay halkan, sannadkii 2005 waxaan usoo raacay hooyaday oo aan usoo wehliyay booqasho ay ugu timid ayeeyadeed. Saddex bilood oo aan halkaas kula qaatay, wuxuu ahaa xusuustii iigu danbeysay oo maskaxdayda ku sawirneyd.

Hayeeshe, muuqaal aad uga duwan midkaas ayaan ugu tagay kaas oo runtii daraeenkeyga ku reebay uurxumo iyo lahan qarsoon.

Taariikhda fog oo ay leedahay Ceelbuur marwalba ma aheyn sheekada qura ee laga tebiyo. Dabcanna, dadka ku noolna ma ahan kuwa qura ee dhaxalkeeda lagu halqabsan karo. Jeedaalinta tirada magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee jiray dowladnimadeenna kahor kuwaas oo waqtigii gumeysi lagu yiqiin Kacaanka gobannimo-u-dirirka, tani waa mid kamid ah magaalooyinkaas kuwaas oo door weyn ku lahaa yagleelka duni cusub oo Soomaalidu leedahay.

Degaan quruxsanaanta iyo ilbaxnimada dadeed ee qarniyo badan kasoo jirtay geeddi-socodkeeda nololeed, waxay Ceelbuur geyeysiiday astaan iyo amaan goonni ah. Waxaa intaas dheer, kheyraadka dabiiciga ee sida gaarka ah looga helo dhexdeeda ayaa siisay micno gaar ah.

Waxaase dhinacaas fiican hadiyo jeer barbar-socon jiray dhinac madow oo magaaladani waaya’arag ku tahay.

Dhicistii Xukunka Siyaad Barre, Ceelbuur waxay kamid aheyd meelaha sida aadka ah loogu diriray. Waxaana ka dhacay dagaal sokeeye oo sannado badan magaalada ka dhigay geyi laga hayaamay.

In yar kaddib markii laga heshiiyay wixii dhacay, noloshu waxay kusoo laabmatay sidii lagu yiqiiin. Reer magaalkii beled ku noolka ahaa ee yiqiin sida nabadda loogu caana-maalana, waxay u noqotay fursad ay dib ugu dhisaan. Daba-yaaqadii 90-meeyada, oo ah halka ay ka bilaabato noloshayda Ceelbuur, waa markii ay ugu qurux iyo qaayo badneyd. Waxayna dhab u laheyd milgadii lagu yiqiin.

Laakiin, maanta halkan waxa ka jira uma dhawa wixii ka jiray 20 sanno kahor markii aan ku dhex ciyaari jiray daafaheeda. Noloshuna uma sahlana sidii hore.

Kala-bar dadkii lagu yiqiin magaalada waxay u kala qeybsameen qabri iyo qurbo. Faras-magaalkeedii mashquulka badnaa, wuxuu noqday mid qaawan. Cidladu waa wehelka qura oo aad kula dhex socon karto gudaheeda. Guryaha qaar waxay u dhammaadeen oogada dhulka; dhirtuna waxay la dhimatay oon iyo arag la’aan.

Dugsiyadii wax-barashada iyo xarumihii lagu dhisay iskaa-wax-u-qabso ee danta guud loogu adeegi jiray waxay u taagan yihiin xusuus ahaan. Xeradii Shiinaha, Buundooyinkii magaalada, Shirkolihii kubadda lagu ciyaari jiray, Xaruntii Daawad ee fiyaalaha aheyd, Xerada Shiikh Maxamed Faarax iyo dugsigii dhexe ee magaalada ayaa gebigood noqday kuwo dayac u dumay ama dano kale lagu qabsaday.

Mid walba oo goobahan kamid ah waxay waqti-carruurnimadaydii u lahaayeen ahmiyad madadaalo iyo mid wax-barasho. Balse waxaan ag-marayaa anigoo ka ciishoon il-xumida gaartay. Marwalba oo xusuusta iyo xaaladda taagan ay iskugu kay tagaan, waxaan si naxariis leh ugu eegay fiiro gacaltooyo. Mana isku dayin inaan celiyo ilmada igu soo istaagta.

Waxaase aan dhab u ilmeeyey markii aan dul imid Minjirkii aan ku dabaalan jiray kaas oo noqday haro lagu qubo odxaha iyo ragaadka oo aan ku habbooneyn dabaasha. Dabaashu, si kale marka loo dhigo, waxay qeyb ka aheyd isha madadaalada ugu weyn oo carruurta Ceelbuur ka helaan farxadda iyo reynreynta. Marwalba oo roobab mahiigaan ahi ay ka curtaan, la yaab malaheyn in gal-biyoodyadeeda buundooyinka, barkadaha, balliyada, iyo dabcan Minjirka dabaal la iskugu yimaado.

Dukaamadii ganacsiga iyo suuq-yarihii la iskugu imaan jiray aroor walba, ayaan u cammirneyn sidii hore. Maqaayadihii waaweynaa ee laga cunneyn jiray ayaa sidoo kale albaadada iskugu laaban.

Kasakow gacan-ku-heynta al-Shabaab ee magaalada, Ceelbuur waxay soo martay sannado adag oo qabsashadii Ciidamad Itoobiyaanka ay ugu darneyd. Kahor waqtigaas, dhismaha iyo dheeha ka muuqda magaalada wuxuu ahaa mid lagu dhaaya-tiirsado. Markii ay isaga baxayeen magaalada laba sanno kahor, gees walba waxaa ka dhashay geed  Yuhuud dhirta inteeda kale ka mamnuucay inay ka ag baxaan. Xittaa geed tallaaladii waaweynaa ee Buundada labaad ee soo aada Ceel-riig ka taagnaa wuxuu ka dhigay kuwo qalalan.

Ceel-riig, laf ahaantiisa, oo ah midka ugu weyn ee magaalada siiya biyo-ku-filan aan daqiiqadna ka go’in, waa kan u suura-geliyay in dhexdeeda lagu macaasho. Waxaana lagu dadaalay in hadiyo jeer lasii horumariyo.

Doofaarradii aan ku dhex bursan jirnay dooxada magaalada ayaan u joogin sidii hore. Dameerihii aanu badri-jirnay oo – in badan iyaga oo ku bedertamaya – ay ku jabeen ayaan u muuqan sidii lagu yiqiin. Nasiib-wanaag, Gamaanka kaliya ee halkan ku nabad-galay ayaa ah fardaha.

Hareeraha Ceelka Yuusuf Xeyle waxaan ugu tagay fardihii Ceelbuur oo jiilaal ku daba-dheeraaday uu ka dhigay kuwa golongolay. Qaar kale ayaa la iigu sheegay in loo daabulay degmooyinka hoos yimaada iyo dabcan caasimadda Muqdisho.

Fardaha Ceelbuur waxay qeyb kale ka yihiin astaamaha lagu yaqaan magaalada. Marka laga yimaado qarniyadii hore oo farda-fuulku ahaa gaadiid looga qeybgalo dagaallada iyo fariin-sidaalka, waqtigaygii waxaan kusoo gaaray iyaga oo lagu galbiyo aroosyada; looguna mashxarado fantasiyaha iyo munaasabadaha soo dhaweynta.

In farriin aan aniguba jacleysan idin kaga keeno Ceelbuur igama ahan inaan idin sido quus iyo niyad-jab. 14 cisho kaddib habeenkii aan kasoo dhaqaaqay, waxaan uga soo tagay rajo – mid kalana waan ka bartay.

Markii aan eegay saha adag ee ka jira dhexdeeda iyo sida horu-socodnimada leh oo dadkeeda ku haray ay ula halgamayaan nolosha gudaheeda ka jirta waxaan kala imid niyad ah inay weli leedahay mustaqbal iyo saadaal ayaan wacan. Waxaa kale oo aan halgankoodaas ka bartay dad ahaan inay yihiin kuwo hal-adag oo aan nolosha isku dhiibin; waana midda kaliya oo Ceelbuur abidkeed lagu yiqiin.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here