Sirta Sida Lacag Badan Looga Heli Karo Muqdisho (Qormo Xaasaasi Ah)

0
87

Waxaan shaqaynayay 35 sano; waxbaranaayay 22 sano, welina ma helin lacag badan (waxaanse kasbaday dad badan oo fiican; Alxamdulilaah).

Waxaan hadda soo ogaaday sida aan lacag badan ku heli karo aniga oo jooga Muqdisho.

Waxaan ka hadlayo waa lacag badan, malaayiin, oo xalaal ah. Waa iga dhab, kaana qarin maayo.

Sida aan lacag badan ku heli karo waa aniga oo “sameeya lacagta”.

Maya ka hadli maayo lacag been abuur ah oo la daabaco sida ay sameeyeen rag caan ah oo hadda loo yaqaan “ganacsato” oo jooga Muqdisho, Boosaaso iyo meela kale. Lacag suuqa lagu daabaco waa tuuganimo waana dambi maaliyadeed.

Sida aan lacagta u sameeynaa, lacag badan, magac fiican iyo amaanna aan ku heli karo, waa aniga oo furta (sameysta) BANGI iyo e-money.

Sirtu waa taas: Waa in aan furto Bangi ka dibna samaysto e-money

Arday kasta oo bartay cilmiga maaliyadda iyo Bangiyada waa yaqaan in Bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay si waafaqsan qeynuunka u sameeyaan lacagta.

Sida Bangiyada ka dhisan Xamar (iyo meela kaleba) ay ku sameeyaan lacagta, waa iyaga oo bixiya deyn badan.

Aniguna si aan u sameeyo lacag, kuna taajiro, waxaan isasiinaa deyn badan oo aan guryo iyo beero ku iibsado.

Xaaskayga iyo caruurtaydana waa siinaa. Sidoo kale, waxaan siinaa saaxiibadey, ehelkayga, qabiilkayga, iyo intii kale ee u qalanta (Creditworthy Customers) deyn badan.

Haa, meel cidla ah ayaan deyn ka siinaa dadkaas (waa u “caseynaa” sida la yiraahdo).

Ka dibna, deynta aan siiyay (oo ah lambaro ku qoran kombuyuutarka Bangiga) ayay dhul, baabuur, qalab dhismo, qalab beero, iyo badeeca kale uga iibsanayaan suuqyada sidii dad balaaya ah oo lacag leh. Dukaamana waa ku furanayaan haddii ay rabaan.

Waxaa suuqyada wax looga iibsadaa lacag cad iyo deyn (money and credit). Meeqa qof ayaad taqaan oo Muraabaxo ku iibsaday dhul, guri, bajaaj, BL ama beer? Igu dar tiradaas.

Waxaan ogaaday goor dambe in Muqdisho lagu joogo deyn iyo farsamo kale. Waxaan hadda ardaydeyda ku dhiirigaliyaa in ay deyn qaataan kuna shaqeystaan (waa uga digaa deyn lagu baashaalo ama lagu xaragoodo).

Guud ahaan qiimaha hantida lagu kala gato suuqyada magaalada Muqdisho (sida guryaha, dhulka, baabuurta iwm) waa ka badan tahay lacagta cad (lacagta warqadda ah) ee taala magaalada.

Inta kale waa deyn buugta bangiyada ku qoran, waana lacag aan jirin oo ay bangiyadu sameeyeen iyo e-money.

Dad badan ayaa si qalad ah u fahamsan in bangiyadu ay deyn u bixiyaan lacagta ay dadka wax haysta ka soo ururiyaan (deposits).

Sidaas ma ahane waxay bangiyadu u isticmaalaan keydka dadweynaha bixinta lacagta ay macaamiishu la baxaan maalin kasta (Daily Withdrawals).

Faa’iidada ugu badan oo ay Bangiyadu helaan waxay ka timaadaa deynta ay bixiyaan oo ay iyagu meel cidla ah ka sameeyeen (hadda heerka faa’iidada Bangiyada Xamar waa 8% ilaa 10% sanadki.)

War Sidee ayaan Bangi uga furan karaa Muqdisho?

Waxaan ka soo heli karaa jawaabta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya laakiin wax adag ma ahan in aan Muqdisho ka furto Bangi.

Sanadkan waxaa laga furay Muqdisho saddex bangi oo kala ah Amaana Bank, Daryeel Bank iyo My Bank (guud ahaan shan shati ayuu Bangiga Dhexe bixiyay).

Guri ayaan jidka Maka Al Mukarama ka ijaaranaa. Magac fiican oo Ingiriisi ah ayaan u sameynaa (sida UNISO Bank, Mogadishu Bank, Agricultural Bank, Housing Bank, Industrial Bank, N & N Bank, Commercial Bank, Daljir Bank, Wadajir Bank, iwm).

Shati ayaan ka soo sameysanaa Bangiga Dhexe (Haa laba qof ayaan ka aqaan, Xildhibaankayguna waa nin firfircoon).

Raasumaalka aasaasiga ah waa soo deynsanaa ama waxaan ka soo qaadaa saaxiibadey iyo tolka aan siin doono deynta marka aan furo bangiga.

Aniga iyo faqri waa noo dagaal ee dhexdeena yaan la galin. Waxaan noqon Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare ama Bangi iyo e-money ayaan samaysanaa sanadka 2020-2021 Insha Allah.

Fadlan ii codey oo ka mid noqo macaamiishayda qaaliga ah.

Ustaad Ismaaciil Cali Siyaad
Jaamacadda Soomaaliya
Muqdisho
Juunyo 22, 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here