Shacabka Oo Laga Codsaday In Ay Booliiska Kala Shaqeeyaan Qabashada Ciidanka Dhibaatada Gaysta.

0
72

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, oo shalay warbaahinta u sheegay in la soo xiray nin askari ah oo muuqaal laga duubay isaga oo laaluul qaadanaya ayaa shacabka ka dalbaday in ay ku dhiiradaan soo bandhigidda kuwa dhibaatada ku haya.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in askarigaan la xiray uu qayb ka noqonayo 32 saraakiil, saraakiil xigeen iyo dablay horay loogu xiray denbiya kala duwan oo ay ka galeen umadda Soomaaliyeed

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed  ayaa sheegay in ciidanka la xiray ay wajihi doonaan baaritaano, dhawaana sharciga lasoo taagi doono.

Waxaa uu sheegay in Booliisku uu ku shaqeeyo sharci sidaa darteed  shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taliska la wadaagaan haddii ay arkaan,askari ka talaabay sharciga isaga oo ayaa sidoo kale farriin u diray dhammaan Ciidamada qalabka sida oo uu sheegay in laga doonaayo in ay ka waantoobaan falalka la xariira Musuq maasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here