Kooxda Shabaab Oo Billaabay Farsamo Ay Uga Hor-tegayaan Weeraro Lagu Qaado Xarumahooda

0
198

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Argagaxisa ah ee Al-shabaab ayaa la sheegayaa in subaxnimadii hore ee maanta ay weerar gaadma ah dhawr jiho uga qaadeen saldhig wayn ee ciidanka maamulka Jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose.

Lama hayo xog dheeraad ah oo ku saaban dagaalka iyo cidda gacanta ku haysa saldhigga ay kooxdu weerareen.

Weerarkaan oo ku soo aaday xilli dhawaan madaxwaynaha maamulka Jubaland uu sheegay in ay wadaan qorshooyin ay Shabaabka uga xuraynayaan deegaanadooda, waxaana la filayaa in qorshaha kooxdu ay ka leedahay weerarka uu yahay in ay ku hakiyaan gulufka codaadeed ee Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay.

Ciidanka maamulka Jubaland iyo dagaalamayaasha kooxda Shabaab ayaa horay dhawr jeer ugu dagaalamay saldhiggaan iyo deegaannada ku dhaw.

Kooxdha Shabaab ayaa shalay sheegatay in deegaan u dhexeeyay Buur-hakaba iyo Baydhabo ay ku dulieen 57 todoba askari oo Itoobiyaan ah ayna ku gubeen 7 gaari oo ay wateen kadib markii ay ku qaadeen weerar dhabba gal ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here