Guddoomiye Mursal Oo Baydhabo Ugu Haray Arin Farxad Gelinaysa Koonfur Galbeed

0
138

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad dhinacya badan ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyadda Koonfur-galbeed  ayaa sheegay in maalmahaan ay ku nagaan doonaan magaalada si ay uga shaqeeyaan danaha  bulshada sedax gobal ee Koonfur Galbeed ay ka koobantahay.

Gudoomiyaha ayaa Ku dheeraaday ka hadalka Xaaladahii isbed-bedelka ayaa yiri,” Runtii Waxaan Wada Ognahay in wax waliba ay yihiin Wax Alle agtiisa ka qoran Cabdicasiisna Maalinkii uu Caloosha Hooyadii galay ayaa loo qoray In uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka KG Soomaaliya waxaana waajib ku ah Shacabka inay taageeraan oo ay Garab istaagaan”.

Waxa uu intaa raaciyay, “Aniga iyo Wafdiga aan Hogaaminaayo Waxaan Joogi Doonnaa Magaaladaan Baydhabo 2-ilaa 3-maalmood waxaan Sameen Doonaa in aaan Dib u heshiisiin u sameyno dadka Walaalaha ah Ee Khilaafaadka Yar Yar dhex maray Waxaan idinka codsanaynaa In aad Arimahaas Nabadeenta iyo dib u heshiisiinta ah Nagu Garab siisaan

Guddoomiye mursal oo Baydhabo uga ka qayb galay caleema saarka madaxwayne Lafta-gareen ayaa la filayaa in uu wax badan ka qabto  kala fogaanshihii ka dhashay ololihii doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here