Aqriso: Muxuu Golaha Shacabku Ku Qabtay Kalfadhigii Afaraad?

0
71

Kalfadhigii 4-aad ee u soo xirmay Golaha Shacabka waxay ahayd iney yeeshaan 48 kulan maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada (10 Diseembar, 2018 – 10 Janaayo, 2019), hase ahaatee waxay yeesheen 33 kulan,  oo uu ka mid yahay kulan aan caadi ahayn oo uu goluhu yeeshay maalin Aaxad ah- 30-kii Diseembar, 2018-ka.

Meeshaas waxaa uga baaqday golaha 16 kulan oo ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa, kuwaas oo ay ahayd inuu ku qabto shaqooyin muhiim u ahaan lahaa qaranka iyo golaha intaba. Kulanka aan caadiga ahayn ee uu goluhu yeeshay Kalfadhiisa 4-aad waa kan lagu ansixiyey saddex hindise sharciyeed, waana markii ugu badneyd ee uu goluhu sidaas maalin qura u meel-mariyo hindisayaal horyaalay.

Maalmo dheeraad ah oo uu goluhu ku darsaday maalmihiisa kulamada Kalfadhiga 4-aad ayuu 14-kii Janaayo, 2019 ku meel mariyey laba hindise sharciyeed. Goluhu waxa ay hindisayasha qaar ku qaateen bil/bilo, waxaana guud ahaan hindise sharciyeedyada, inta Aqrinta 1-aad ilaa 3-aad mariyey, uu ansixiyey ka mid ah:-

1) Hindise Sharcigeedka Mihnadlayda Caafimaadka

2) Hindise Sharcigeedka Hay’adda Dadka Naafadda ah

3) Hindisaha Sharciga Xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda

4) Hindisaha Sharciga Xaqsiinta Ciidamadda Qalabka Sida

5) Hindisaha Dib-u-eegista Xeerhoosaadka Golaha Shacabka

6) Hindisaha Kabidda Miisaniyadda Dalka ee 2018-ka

7) Hindisaha Miisaaniyadda Dalka ee 2019-ka

8) Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

9) Hindisaha Dib-u-eegista Xeerka Bangiga Dhexe

Laakiin hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda, oo maray 3-aad, ayaa Kalfadhiga 4-aad ee goluhu ku xirmay, iyada oo aan cod loo qaadin wali. Dhinaca kale, Hindisaha Dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Rayid ka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Golaha soo gaaray, ayuu sidoo kale Kalfadhigaa 4-aad ee goluhu ku xirmay, iyadoon xitaa hal marna la aqrin.

Labadaas hindise marka laga soo tago, waxaa jira hindise sharciyeedyo kale, oo la aqriyey hal mar oo kaliya oo aan marin Aqrintii 2-aad iyo 3-aad, si uu goluhu cod ugu qaado ugu dambeyn, waxaana kuwaas ka mid ah:-

1) Hindisaha Dib-u eegista Xeerka Saxaafadda

2) Hindise Sharciyeedka Maaraynta Batroolka

3) Hindise Sharcigeedka La-dagaalanka Argagixisadda

4) Hindise Sharcigeedka Waxbarashada Soomaaliya

5) Hindise Sharcigeedka tirakoobka Soomaaliya

6) Hindise Sharcigeedka Naqshadaynta Magaalooyinka

7) Hindise Sharcigeedka Qaynuun ka Shirkadaha

8) Hindise Sharcigeedka Bartilmaamaydsiga Cunaqabataynta Dhaqaalaha

9) Hindise Sharcigeedka Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawadda

Dhamaan Hindise Sharciyadaas waxa ay u gudbeen in looga shaqeeyo Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka. Hase ahaatee, lama oga in hidisayaashaas iyo kuwa kale, oo laga yaabo iney kusoo biiraan, uu goluhu ku meel-marin doono Kalfadhigiisa soo socda, oo furmi doona horaanta bisha Maarso ee sanadkan.

Hindise Sharciyeedyada uu Golaha Shacabku meel-mariyey waxay qaar ka mid ah ag yaalaan Golaha Aqaalka Sare, kaas oo meel-mariyey ilaa 3 hindise kaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu Hindisayaashaas ka saxiixay laba ka mid ah oo kaliya intii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

“Sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan laba sharci bis ayaan saxiixay, waxaana sugeynay intaas iyo in ka badan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Waxaan ka codsanayaa Golaha Shacabka ee sharafta leh iyo Golaha Aqalka Sare in inta hartay ay si dhaqsiya iigu soo gudbiyaan, oo uu ugu horeeyo (Hindisaha Xeerka) Xaqsiinta Ciidanka Qalabka Sida” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa raaciyey.

Hase ahaatee hadalkaas madaxweynaha kadib, waxa uu Golaha Shacabku kulmay hal mar oo kaliya, waxa uuna ku ansixiyey Hindisaha Xeerka hanti-dhawrka Guud iyo Hindisaha Dib-u-eegista Wax-ka-beddelka Xeerka Bangiga Dhexe, oo uu isna ansixiyey.

Golaha Shacabka waxaa Kalfadhigiisa 4-aad uga lumay waqti fara badan khilaafyo siyaasadeed, oo ka qaatay ku dhawaad kala baroo bar waqtigii Kalfadhigaas, oo ahaa 2 bil. Hase ahaatee, waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabku sheegay iney arrintaas cashar ka baran doonaan. ”Khilaafka dhacay waxaan ka qaadan doonaa cashar aan uga nabad galno inuu khilaaf kale dhaco” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Xigasho:Kalfadhi.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here