Al-shabaab oo Boqol Caruur Ah Ka Qafaashay Qoysas Bixi Diiday Baad ay Ka Doonayeen

0
77

Kooxda Al-shabaab ee xariirka la leh ururka Al-qaacida ayaa gobalka Bakool ka qafaashay in ka badan 100 caruur ah oo da’doodu u dhexeyso sagaal iyo afar iyo toban jir (9-14 sano).

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caruurtaan la qafaashay kadib markii ehelkoodu ay diideen in ay bixiyaan lacag baad ah oo Shabaabku ka dalbadeen.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in waalidiin doonayay in ay Shabaabka kala hadlaan soo daynta caruurtooda iyana sidaas oo kale xabsiga la dhigay.

Xubna kamid ah ehelada caruurta Shabaabku af-duubteen oo ku sugan Xudur ayaa sheegay in ficilkaan Shabaabku wadaan uu yahay mid aad u xun, waxa ayna dawladda ka dalbadeen in ay gacan ku siiyaan in caruurtaas dib looga soo furto kooxda.

Caruurta ayaa la sheegay in laga aruuriyay dugsi qur’aannadii ay dhiganayeen iyo deegaanno ay xoola ku ilaalinayeen, arrintaas oo keentay in dugsiyadii oo dhan ay xirmaan, qoysaska qaarkoodna ay caruurtooda ula baxsadaan deegaanno ka baxsan meelaha ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Shabaabka.

Kooxda Shabaab oo caruurta u adeegsada dagaallada ay ugu jiraan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ayaa laga shaki qabaa in caruurtaan ay doonayaan in geeyaan xarumaha ay ku marin habaabiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here