Daawo Muuqaal: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed

0
64

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed lagu soo gaba gabeeyay munaasabaddii caleema saarka madaxweynaha maamulkaas mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Munaasabaddan ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada maamulka ee magaalada Baydhaba ayay goob joog ka ahaayeen madaxweyanaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya , mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madax iyo saraakiil ka kala socotay maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad kooban kusoo gunaanaday munaasabadda ayaa ugu horreyn madaxweynaha cusub alle uga rajeeyay in uu u fududeeyo xilka culus ee la saaray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad celin ballaaran u jeediyay dadkii ka qeyb galay doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida wanaagsan ee ay u aqbaleen natiijadii kasoo baxday doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay leedahay wada shaqey iyo iskaashi adag oo dhex mara maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka wuxuuna tilmaamay in si wadajir ah looga shaqeeyo danta shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo hadalkii madaxweyne Lafta-gareen ee ahaa in uu is badalay xariirkii ka dhexeeyay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka waayo waxaan nahay hal dowlad loomana baahna in la yiraahdo calaaqaadkii ayaa la kala goostay waayo waxa loo shaqeynayaa waa shacabka Soomaaliyeed waxa arrinkaa ku baaba’ayana waa sharafka umadda Soomaaliyeed waana waajib iyo ballan ina saaran inaan gacmaha is qabsanno oo aan umadda u shaqeyno” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore u doortay Cabdicasiis Lafta-gareen in uu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya taasoo maanta ugu dambeyn lagu caleemo saaray magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here