Golaha shacabka oo meel mariyay xeerka wax ka badalka maamulka Bangiga Dhexe

0
100

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130aad  ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah,  kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga  Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon  ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Go’aankan ka soo baxay Golaha shacabka ayaa ogolaanaya in xafiisyada anti dhowrka dalka ay maamuli karaan ajaanibta loo magaaco.

Wuxuuna imanayaa go’aankan xilli ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya loo magacaabi doono Ajinabi howlgab ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here