Burundi Oo Iska Yeelyeelaysa Soomaaliya (Warbixin)

0
114

Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi.

Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Warbixin ka qoray Khilaafka Burundi iyo QM, wuxuuna Cinwaan kaga dhigay:

Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda  Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale.

Wargeysku waxa uu qoray inay Dowladda Madaxaweynaha Burundi, Piyeer Nakununsisa doonayeen in dhamaan Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ka wada baxaan, iyadoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inaysan taasi micno lahayn.

Sida laga soo xigtay Ilo dhinaca gudaha waxay Dowladda Burundi sheegtay in si KMG ah loo xiro Xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay  Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska  Inner City Press waxa uu qoray in Khilaafka QM iyo Burundi ku soo beegmay, iyadoo Dowladda Burundi ku gacan sayrtay Qorshaha Ururka Miowga Afrika ee AU-da ku doonayaan  in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here