Wasiir Bidhaan Oo Bulshada Soomaaliyeed Ka Shaafiyay Warar Laga Faafiyay Shatiyada Kalluumaysiga

0
107

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xildhibaan Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa Saxaafadda ugu warbixiyay Shatiyo dhawaan Wasaaradu siiyay Shirkadu Kalluumaysi kuwaas oo dadka Soomaaliyeed si qaldan loo fahansiiyay kadib Markii suuqyada la galiyay warar been abuur ah oo tibaaxaya in maraakiibta wax Xaalufisa loo fasaxay Badeena .

Wasiirka ayaa sheegay in si daah furnaan Wasaaradiisu u Bixisay 31 Shati oo Kalluumaysi kadib Markii 31 Shirkadood ay soo buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa ,kuwaas oo baahi weyn u qabay Kalluunka nooca loo yaqaano Tuna-ha oo Badeena ku badan .

” Wasaaradu waxay toos u bilowday bixinta Sharciga Jilaabashada Kalluunka nooca loo yaqaano Tuunaha Kaas oo badanna ku badan ama laga helo waxaana waji koowaad aan bixinay 31 Shati oo sharci ah kuwaas oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa intaas ka badana diyaar baan u nahay cidii danaynaysa “, ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunkeena Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. .

Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya, kuwaasi oo lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here