Sawirro: Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Oo Faras Dheereeya Muqdisho Lagu Guddoonsiiyay

0
1180

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa maanta munaasabad soo dhawayn ah oo heerkeedu sarreeyo waxa uu Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ugu sameeyay xarunta degmada Dayniille ee gobalka Banaadir.

Munaasabadda soo dhawaynta ah oo ahayd mid si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qayb galay boqaallaal ruux oo ay kamid yihiin xildhibaannada federaalka Soomaaliya qaarkood, dhallinyaro, aqoonyahanno, fannaaniin, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Islaan Bashiir Islaan cabdulle ayaa haddiyado fara badan oo uu ku jiro faraskii ugu orodka badnaa degmada Dayniille lagu guddoonsiiyay munaasabadda soo dhawaynta ee Muqdisho loogu sameeyay.

Islaan Bashiir Islaan cabdulle ayaa aad uga mahadceliyay soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee uu u sameeyay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed ee sida heerkeedu sarreeyo loo qadariyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here