Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo qiimeyn ku sameeyay Amaanka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

0
82

Taliyaasha ciidanka Milatariga iyo Booliiska Soomaaliya ay wehliyaan saraakiil kale ayaa kormeer qiimeyn ah waxa ay ku tageen fariisimo ciidanka dowlada kaga sugan yihiin degmada Afgooye.

Taliyaasha ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay amaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo mararka qaar ka dhacaan falal amaan daro sidoo kale lasoo dhigto isbaarooyin.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe iyo Janaraal Bahiir Ameeriko ayaa kala hadlay saraakiil iyo ciidamo ay la kulmeen sidii ay u xoojin lahaayeen amaanka ugana hortagi lahaayeen kooxaha nabad diidka ay ku sheegeen.

Kormeerka ay Afgooye ku tageen taliyaahan ciidanka dowlada katirsan ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay Afgooye ka socdeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib markii degmadaasi kusoo kordheen dilal qorsheesan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here