Maxaa ka run ah Xariirka Dani iyo Damul-jadiid? (Falanqayn)

0
250

Xariirka wanaagsan ee ka dhexeeya Koox, Kooxo, Koox iyo Shaqsi ama laba shaqsi waxaa lagu cabbiraa wada shaqaynta dhex taalla ama soo dhex martay iyo fursadaha jiray sida ay uga wada faa’iidaysteen ama ay isugu dayeen in ay isaga faa’iideeyaan.

In badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa iyada oo aan la ogayn hal-beegga ay ku cabbireen, waxa ay madaxwaynaha la doortay ee Saciid Dani durba ku shabbadeeyeen in uu yahay xubin fir-fircoon oo kooxda Damul-jadiid u joogaa Puntiland.

Hadaba su’aasho waxa ay tahay, Goormuu Dani noqday dammul jadiid?

Siciid Maxamed Dani, Madaxwaynaha la doortay ee Puntiland, waxa uu joogay Soomaaliya oo siyaasadda si aan qorsoonayn ugu jiray isaga oo hammi sare leh xilli ay dalka maamulayeen kooxda Damul-jadiid ee dalka maamulaysay intii u dhexeysay 2012-2017.

Madaxwaynihii hore ee dalka, Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu magacaabay sedax ra’iisul wasaare oo mid kasta lagu keenay baadi goob iyo in aysan jirin cid kursigaas qaadan kartay oo kooxda Damul-jadiid ka tirsanayd, ama taa cagsigeeda hadii uu xitaa uu Dani ahaa xubin ka tirsan wax qiima ah agtooda kama lahayn umana arkayn nin la jaan qaadi kara si kastaba haku dhacdee.

Waxaa kale oo hadii Damul-jadiid uu muhiim u ahaa Dani ay la baadi goobi kareen hoggaanka Puntland intii ay xoogga la haayeen xilligii Cabdiweli Gaas uu qabanayay shan sano ka hor sida Cabdikariim Guuleed ay dusha uga saareen reer Gal-mudug oo aan raalli ka ahayn.

Si kastaba dooda ku qotonta in Dani iyo Damul-jadiid ay yihiin koox hal doon wada saaaran waxaa meesha ka saaraya fursadaha looga faa’iidayn karay oo marna aan loo dhawayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here