Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Cayrintii HAYSOM kala hadlay danjirayaasha wadamada IGAD ee fadhigoodu Muqdisho yahay (SAWIRRO)

0
111

war-saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa lagu sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad uu maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay intii kulanku uu socday, inn wasiir Cawad  uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada, uuna u sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka.

Wasiir Cawad ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda.

wasiirka arrimaha dibada XFS ayaa  tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayana ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.

Dhawaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee muddada bilooyinka ah shaqaynayay ku amartay in uu dalka ka boxo iyada oo lagu eedeeyay fara gelin uu ku hayo siyaasadda gudaha dalka, waxaana shalay kulanka golaha ammaanka tallaabadaas ku adkeeyay safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo sheegay in ay Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan oo aan loo yeeri karin aaya ka talinteeda, ayna kala taqaanno hay’ad iyo shaqsi waxa uu doono samaynaya oo sharciga iyo axdiyada caalamiga ah ku xad gudbaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here