Wasaaradda Waxbarashda Oo Soo Xirtay Tababar laba Asbuuc Muqdisho Ka Socday

0
97

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xarunta jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta KM4  tababar ugu soo xiray macalimiin wax ka dhiga iskuullada dowladda ee gobolka Banaadir.

Tababarkaan oo kor loogu qaadayay aqoonta macalimiinta wax ka dhigaysa iskuullada dowladda iyo dhigidda manhajka cusub ee dhawaan ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, ayaa socday muddo 15 maalmood ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Xassan Maxamed Cali, ayaa tilmaamay in macalinka uu muhiim u yahay dalka, sidaas darteed ahmiyad gaar ah la siinayo sidii kor loogu qaadi laha aqoontiisa.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macaliminta Soomaaliyeed si loo soo saaro dhalin aqoon leh oo dalka anfacda.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  sannadkii hore waxa ay hir-gelisay manhaj midaysan oo laga dhigayo dhammaan dugsiyada hoose ee dalka, waxa ayna la wareegtay iskuulaad ardayda si lacag la’aan ah wax loogu barayo, arrintaas oo u gogol xaaraysa waxbarasho lacag la’aan ah oo dalka oo dhan laga hir-geliyo.

Dawladda ayaa sidoo kale waxa ay bixinaysaa mushaaraadka macallimiinta iyo maamulayaasha iskuulaadka ay la wareegtay, iyada oo sidoo kale la siinayo tababarro joogta ah  oo lagu horumarinayo hannaanka waxbarashada dalka.

Sannadkaan bilaawga ah dawladda Soomaaliya waxa ay miisaaniyadda waxbarshada ku dartay afar milyan oo dollar arrinrtaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen mid muujinaysa muhiimadda ay dawladdu siinayso horumarinta waxbarashada dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here