Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad iyo Taliyihii hore ee Qaybta oo maanta Cadaado lagu soo dhoweeyay (SAWIRRO)

0
64

S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir “Kaanti” Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad oo uu la socdo Taliyihii hore ee Qaybta Gen. Claahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa soo gaarey Magaalada cadaado oo Xarun ku meel Gaar ah u ah Taliska waxaana garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhoweeyay Saraakiisha kala duwan ee Qaybta 21aad.

Taliyaha cusub ee Qaybta S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir ayaa salaan ka qaatey Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka qaybta 21aad waxaana intaa kadib loo soo falbiyay Dhismaha Taliska qaybta oo ku yaala Gudaha Magaalada Cadaado.

Taliyihii hore ee Qaybta 21aad Gen. Claahi Aadan Xuseen oo soo dhoweeyay Taliyaha cusub ee dhowaan lasoo magacaabey S/Guuto Yuusuf cqaadir ayaa u sharaxey qaabka ay u shaqeeyaan Guutooyinka iyo ururada Qaybta iyo howlaha hadda Socda waxowna intaasi raaciyey in maalmaha soo socda ay qaban doonaan munaasabad uu xilka ku wareejinayo .

S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir oo ah Taliyaha cusub ee Qaybta ayaa u mahad celiyay Saraakiisha iyo askarta soo dhoweysay waxowna u balan qaadey wadashaqeyn Wanaagsan iyo In qof walba lagu ixtiraami doono Howsha uu qaranka u hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here