Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la doortay

0
82

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo wareega ugu dambeeya ay ku tartamayeen labo musharax.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Afar musharax ayaa xilkaasi u taagnaa, waxaana wareega ugu dambeeya u gudbay C/Xakiin Maxamed Axmed iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in C/Xakiin Maxamed Axmed uu ku guuleystay Xilkaasi.

Guddoomiyaha guulaystay, Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa helay 43 cod iyada oo C/Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here