Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud oo si rasmi maanta Xilkaasi ula wareegay “Sawirro”

0
66

Xafladaan oo Xilalka ay kula kale Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

Xafladaan ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud, Wasiir ku xigeenka Wasraadda Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Howlaha guud  Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa ugu horeyn hadalka qaatay wuxuuna ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay kamidyihiin Heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah & Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Sheegay inuu la imaan doono hufnaan Cadaalad iyo howlkarnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore & Wasiirka Cusub ayaa ammaanay Shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay ku tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here