Duqa Muqdisho Oo Xarigga Ka Jaray Qayb Cusub Oo Muhiim U Ah Soo Noolaynta Bilicda Dayniille (SAWIRRO)

0
68

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay xariga ka jaray jardiino cusub ama raanabot laga hirgeliyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dhismaha Mashruucan oo ay iska kaashadeen maamulka iyo shacabka degmada dayniile ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo bilicda degaanka sida uu sheegay gudoomiyaha degmadaas Maxamed Abuukar Jacfar.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada iyo maamulka degmada dayniile ay iskugu duuban yihiin ugana qeyb qaadanayaan ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Sidoo kale, En.Yarisow oo ay la socdeen masuuliyiin kala duwan ayaa kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda degmada Deyniile, kuwaasoo ay ka mid tahay garoonka diyaaradaha ee Degmada Deyniile, waddooyin iyo xarunta degmada oo dib u dhis lagu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here