Danjire Baalle: Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya

0
118

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Miidoobey Mudane Abuubakar Cusmaan Baalle ayaa khudbad uu ka hor jeediyey Golaha Qaramada Midoobey oo dhagaystay maanta  warbixin uu u soo gudbiyey Nicholas Haysam ayaa soo bandhigay horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ka hana qaaday labadii sano ee la soo dhaafay iyo kalsoonida buuxda ee Beesha Caalamku ay ku qabto.

Danjire Baalle ayaa sheegay in Dawladda waajib ay ka saaran tahay in dib ay usoo celiso Maqaamkii Soomaaliya ay ku laheyd Caalamka iyo inay matasho danaha Soomaaliya ee fagaarayaasha Dunida.

“Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya, Sidaas darteed, waajib ayaa naga saaran inaan dib usoo celinno maqaamkii Soomaaliya ee caalamka iyo inaan matalno danaha Soomaaliya ee fagaareyaasha dunida, Annaga oo ilaalinayna qabka dadka Soomaaliyeed, waajib ayaa naga saaran, annaga oo ah matalayaashooda, inaan codkooda muujinno oo aan wax ay rabaan iyo himilooyinkooda” ayuu yiri Danjire Abuubakar 

Danjiraha Dawladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Miidoobey Mudane Abuubakar Cusmaan Baalle oo khudbadiisa sii wata ayaa ka warbixiyey Xaaladda dalka hadda uu marayo, isaggoo xusay in Dawladda Soomaaliya dalka ay u horseedeyso Mustaqbal wanaagsan. 

Sidoo kale waxa uu carabaabay in aan la aqbali karin Shaqsi ka tallaabay Dhaqamada iyo Habmaamuuska Caalamiga ah.

“Mudane Madaxweyne, ii ogoloow inaan inaan ka hadlo xaaladda haatan taagan. Dowladda Soomaaliya waa u kala soocantahay hay’adaha aan qeybta ka nahay iyo dhaqanka shakhsiyaad taas oo saameyn taban ku yeelan karta wadankeenna nugul.

 “Waxaan u aragnaa mid aan la aqbali karin dhaqanka shakhsi ka tallaabay dhaqamada iyo habmaamuuska aan dhammaanteen aan u hoggaansanahay kuwaas oo halleynaya jawiga taas oo dib u celinaysa horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed oo ay ku jirto xagal daacinta horumarka aan ka sameynay geeddi socodka dayn cafinta, Dowladda waxay dalka u horseedaysaa mustaqbal wanaagsan” ayuu yiri Danjire Baalle.

Ugu dambeyn Danjiraha Dawladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Miidoobey Mudane Abuubakar Cusmaan Baalle ayaa Khudbadiisa ku sheegay in Soomaaliya ay tahay Qaran madax banaan oo leh Xaquuq iyo Awoodo, waxaana uu tilmaamay in Dawladda ay la dagaalameyso Argagixisada, Qabyaalada iyo Musuq-maasuqa.

“Kuma jirno xilli kala guur laakiin waxaan nahay qaran madax bannaan oo leh xuquuq iyo awoodo.  Waxaan la dagaallamaynaa argagixiso, qabyaald iyo musuqmaasuq, Waxaan ka rajeynaynaa hoggaanka Qaramada Midoobay in ay arrimahaas istiraatiijiga ah nagu garab istaagto.” Ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Miidoobey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here