Jubbaland oo Ciidamo hor leh u daabuleysa jiida hore ee dagaalka+Sawirro.

0
95

Deegaanada Jubbaland Waxaa Maalmahan si toos ah uga bilowday howlgalka la doonayo in lagu xoreeyo deegaanada maqan ee ay gacanta ku hayaan kooxaha Nabadiidka ah ee Ugus.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo waxaa maanta laga daabulay Ciidamo kala duwan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland,waxaana ay ku wajahanyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose,Ciidamadan ayaa ka mid noqon doonaa Ciidamada loogu talagalay in ay ka qayb galaan holwgalka lagu doonayo in haraadiga Malleeshida Al-Shabaab looga saaro deegaanada Jubbada Dhexe.

Taliyaha howlgalka xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe G/Sare Axmed Jaamac Salaad ayaa Jubbaland TV uga Waramay Sida ay ugu diyaar garoobeen ladagaalanka Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan dagaalyahanada Jubbaland ee ay ku doonayaan in ay ku xoreeyaan Shacabka aan xorta ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here