Dowlada Somalia oo Go’aan adag ka qaadatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia

0
89

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay  in Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka  kana shaqeyn karin.

Wasaarada Arimaha Xukuumada Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu xusay in Amb. Nicholas Haysom uu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa jawaab u ah qoraal uu shalay soo saaray Wakiilka Qaramada Midoobay uu uga dalbanayay Wasaarada Amniga in ay cadeyso xarigii Abuu Mansuur iyo rabshadihii ka dhashay Doorashadii Koonfur Galbeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here