Bandhig Buugeedka cajiib ah oo lagu soo bandhigay Muqdisho (SAWIRRO)

0
97

Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa soo bandhigay Madasha Buugga oo sanadkiiba mar lagu qaban doono magaalooyinka dalka, iyadoo laga duulaayo in la dhiirigeliyo qoroyasha Soomaaliyeed.

Munaasabada oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya hadana ah Xubin ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Agaasimaha Machadka Samadoon Aweys Sheikh axmed, Qorayaal, iyo marti sharaf kale.

Sanadkaan ayaa madasha Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil waxaa lagu soo bandhigay Buug lamagac baxay Ismoog, oo laga qoray xaalada Soomaaliya ee xiligaan, kaasi oo uu qoray Zakariye Ibraahim Nageeye, waxaana qoraagu uu warcelin ka sameeynayay Buugga uu qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here