Maamulka Gobalka Banaadir Oo Magacaabay Dedelka Axmed Maxamed Xassan Geedoow

0
109

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa guddoomiyaha Cusub ee degmada Yaaqshiid u magacaabay Cabduwali Cabdullaahi Maxamed oo horay u ahaa guddoomiyaha degmada xeebta ku taalla ee Xamar Jajab, si uu u bedelo Axmed Maxamed Xassan Geedoow oo dhawaan shaqada degmada laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyeey musuq-maasuq iyo xatooyo xoola dadwayne.

December 25, 2018 ayaa qoraal ka soo baxay Xafiiska ku-simihii guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur (Dhegawayne) ayaa shaqada looga joojiyay guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

Xil ka qaadistii Geedoow waxaa soo dhaweeyay inta badan ganacsatada degmada oo ku eedeeyay boob iyo ku tagri falka xilka uu u hayay degmada, waxa ayna dalabadeen in la baaro kadibna loo ciqaabo dhibka ay ka tirsanayaan.

Maamulka gobalka ayaan wali magacaabin mas’uulkii bedeli lahaa magacaabay Cabduwali Cabdullaahi Maxamed oo kahor degmada Yaakhshiid ahaa guddoomiyaha Xamar Jajab.

Sidoo kale waxa aan wali guddoomiye rasmi ah loo magacaabin degmada Xamarwayne oo horay guddoomiyaheedii shaqo joojin loogu sameeyay, maalmana lagu xiray xarunta barista dambiyada in kasta oo ugu dambayn lasii daayay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here