Ciidamada Danab oo fuliyay weerar lagu dilay 30 Al Shabaab ah oo ajaaniib ay kamid yihiin

0
179

Ciidamada kumaandooska ee Dowladda iyo ciidamada dowladda Mareykanka ayaa weerar qorsheysan oo ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab waxay ka fuliyeen gobolka JUbbada Dhexe.

Weerarka qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab.

Taliyaha guutada 43 ee ciidamada xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud “Bogmadow” ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ciidamada Danab oo taageero ka helaya ciidamada Mareykanka ay howlgalkaasi fuliyeen.

Xarun tababar oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayuu sheegay in weerarka lala eegtay, waxaana uu sheegay inay ku dileen ku dhawaad 30 dagaalame oo Al Shabaab ka tirsan.

Dadka weerarka lagu dilay ayuu General Bogmadow sheegay inay ku jiraan Afar sargaal oo labo kamid ah ay u dhasheen dalalka Libya iyo Syria, sida uu hadalka u dhigay.

Labada ruux ee ajaaniibta ah ayuu ku sheegay in lagu kala magacaabo Aweys Abuu Xamsa oo heysta dhalashada dalka Syria iyo Xasan Abuu Yahya oo heysta dhalashada dalka Libia.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab ilaa iyo hadda kasoo baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here