Baarlamaanka Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019

0
80

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jirin Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Dhanka kale, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here