Axmed Madoobe Oo Kormeer Ku Tegay Xeryaha Ciidanka

0
60

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay booqasho iyo kormeer ku tagay xarumaha ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan  xerooyinka ciidanka Nabad sugida iyo Daraawiishta Jubbaland.Ugu horeyn waxaa uu madaxweynaha salaan ka qaatay ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ee uu saakay kormeerka shaqo uu ugu tegay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ciidanka ayaa sheegay in uu bilowday hawlgal ballaaran oo lagu xoreynayo gobolka Jubadda dhexe oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

“Dhammaantiin waxaad tihiin ciidan tababaran oo cudud muuqata leh waxaa la idinka doonayaa in aad dawr muuqda ka qaadataan xoreynta deeganada maqan oo aad cadawga argagixisadda Al-Shabaab ee hadda aan tabarta lahayn aad ka dul qaadaan shacabka ay dhibaatada ku hayaan”, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidanka ugu dambeyn ku booriyay dowrkooda difaaca dalka waxaana uu waayadan waday madaxweynaha abaabul ku aadan xoreynta deeganada ka maqan Jubbaland, iyadoo ciidankii u horeeyay ee ka qeyb qaadanaya hawlgalka xoreynta Jubbada dhexe ay hawlgalkoodii shalay bilaabeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here