Ansixinta miisaaniyada Dowlada ee 2019 oo cod loo qaadayo

0
67

Waxaa la filayaa in xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka soomaaliya ay cod u qaadaan Miisaaniyadda Dowlada ee Sanadka 2019-ka.

Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Shalay ayay aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here