Waaxda Nafaafadda Gobalka Banaadir Oo Dar-dar Cusub Lasoo Baxday (SAWIRRO)

0
84

Waaxda Nadaafadda Gobalka Banaadir oo kamid ah waaxyada ugu muhiimsan ee maamulka gobalka iyo dawladda Hoose ee Xamar ayaa lasoo baxday dar-dar cusub oo yadadiilo leh taas oo gun-dhig u noqonaysa in caasimaddu adduunyada kale kula tartanto nadaafad iyo qurux.

Agaasimaha waaxda nadaafadda gobalka Banaadir, Cabdicasiis Goodax, ayaa asbuucii tegay waxa uu karaar geliyay nadiifinta goobaha uu qashanku ku badanyahay ee caasimadda, waxaana bilaawga howshaas laga dareemay wadada xariirisa Isgoysyada Banaadir iyo Ex-cantrol Afgooye, halkaas oo lagu nadiifiyay olole ay iska kaashanayaan jaamacadda Ummadda iyo Waaxda nadaafadda iyo Bilic Soo celinta.

War uu December 27, 2018 uu Cabdicasiis Goodax soo dhigay Facebook, waxa uu ku yiri, ” Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta olole Nadaafadeed xoog leh ka qabanay Inta u dhaxaysa Seybiyaano ilaa Exkontorool Afgooye. Ururka midowga Ardayda Qaran waxaa ay maanta muujiyeen awoodooda dowladnimo,waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka Degmada Dharkenley. Ugu danbayntii baabuurta iyo cagafyada nalagu wareejiyey haddii aan nahay Waaxda Nadaafadda iyo Bilicda Dowladda Hoose Xamar waxaan balan qaadnay inaan afartaas baabuur kusoo celindoono bilicda Caasimada  #ISXILQAAN

Sidoo kale maanta ayaa qaybo kamid ah dedmada Yaakhshiid waxaa ka socda olole kaas lamid ah oo waaxdu ay hormuud ka tahay, waxaana sida qorshuhu yahay ay waaxku ku tala jirtaa in meela badan oo nadaafad darro ka jirto asbuucaan billaawga ah la nadiifiyo.

Dar-darta cusub ee waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta gobalku ay lasoo baxday ayaa la sheegay in ay timid kadib markii gaadiid u gaar ah lagu wareejiyay si ay qashanka ugu guraan, halka markii hore gaadiidka ay si gaar ah u xukumi jirtay waaxda Gaadiidka oo la aaminsanyahay in agaasinkeedu ay dano gaar ah ku fushan jireen oo aan loogu shaqayn jirin gobalka arrintaas oo qayb ka ahayd waxyaabaha cuuryaamiyay habsami u socodka howlaha gobalka, gaar ahaan nadaafadda oo gaadiid la’aan aan waxba lag qagban karin.

Dhawaan ayaa tubta arrimaha bulshada waxa ay go’aamisay in si sare loogu qaado bilicda caasimadda dhammaan qashanka magaalada laga aruuriyo lagu shubo laba barood oo gobalku u cayimay oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Hiliwaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here