Garsoorayaal uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo loo dhaariyay

0
58

Munaasabad lagu dhaarinayo garsoorayaasha cusub ee uu dhowaan madaxweynaha jamhuuriyadaa federaalku u magacaabay maxkamadda sare ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlayay munaasabadda ayaa aad ugu dheeraaday qorshaha lagu doonayo soo celinta dowlanamidii dalka.

Mar uu guddoomiyaha la hadlaya garsoorayaasha cusub ayuu yiri  “Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlayay musuqa hay’adaha dowladda hareeyay ayaa sheegay ay hayaan caddeymo badan kuwaa oo ku aadan qareenno falal musuq ah ku kacay.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan oo Musuq maasuqa ah. Waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuush.

Dhanka kale guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Axmed Yuusuf oo ka hadlayay dadka cadaaladda u doonta ururka al-Shabaab ayaa sheegay in ay todobaadkii hore xabsiga loo taxaabay saddex ruux oo garsoor u doontay deegaanada ay maamulaan, kuwaasoo horay ugu guuldareystay Maxkamadaha dowladda Federaalka.

“Waxaa jira dad aan ognahay oo Maxkamadaha dacwado ka yaallaan oo dacwadaha looga guuleystay, si ay cadaaladda u hor istaagaan cadawga dalka u doonta cadaalad, qaarkood xabsiga ayaan dhignay.” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha oo khudbadiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Waxaan rabnaa shacabka in aan ku baraarujino in aan la aqbali doonin adigoo cadaalad iyo garsoor dalka ka heli akra, in cadawga dalka aad u dacwooto, baaritaanka aanu sameynay waxaa ku ogaanay dadka u taga inta badana inay yihiin dad looga guuleystay dacwadaha, si ay cadaalada u hor-istaagaan taasi u sameeya, saddex ka mid ah halkan lagu xiray todobaadkii hore.

24-kii bishaan ayey aheyd markii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo wareegto uu soo saaray uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare, kadib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here