Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Afmadow (Sawirro)

0
97

Ciidaankii loogu talo galay xoreynta gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta gaaray degmada Afmadow oo ay ka sameyeen howl galo la isugu furaayo inta u dhaxeysa degmooyinka Kismaayo iyo Afdamow.

Ciidamada qalabka sida ee dawladda federaalka Soomaaliya ee gaaray Afmadow ayaa qaaday isbaarooyin ku teedsanaa inta u dhexeysa magaalooyinka labada magaalo oo isu jira 120 KM.

Saraakiisha ayaa sheegay in maanta si rasmi ah uu u bilowday howl galkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland oo lagu xoreynaayo deegaanadda ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al shabab gaar ahaan caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Bu’aale.

Dhammaan xarumaha degmooyinka iyo xarumaha ciidamada waxaa ka socda abaabul xoogan oo ka dhan ah Al shabab iyo cid walba oo liddi ku ah jiritaanka iyo xasiloonida jubbaland.

Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidanka kula dardaarmay ka dhabeynta himilooyinka shacabka deegaannada jubbaland iyo soo afjarida howl gallada lagu sifeynaayo kooxda argagaxisada ah ee Al-shabab.

Howl galkii maanta ay sameyneen ciidmada ciidanka xoogga dalka qaybta ku sugan Jubaland ayaa ka dhigan in la soo afmeeray todobo sano oo kala xirnaansho ah iyo caasamadii oo ka maqan gacanta dowlad goboleedka jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here