Wadooyin Horay Loo Dhisay Oo Bur-buray Iyo Maamulka Muqdisho Oo Ka Gaabiyay Dayactirkooda

0
106

Qaar kamid ah wadooyinka laamiga la saaray ee gobalka Banaadir ayaa waxaa soo wajahay burbur baahsan oo sababi kara ammaan darro iyo shilal joogta ah.

Wadooyinka uu burburku soo gaaray waxaa kamid ah wadada muhiimka ah marta buundooyinka taas oo ka jajabtay dhawr meelood oo ay ugu darantahay isgoyska Ceel-gaabta oo marin muhiima u ah madaxda dawladda.

Waxaa kale oo iyana burbur xooggan uu soo gaaray wadada xariirisa isgoyska shaqaalaha iyo isgoyska KPP.

Burburka wadooyinka soo wajahay ayaa hadii aan si dhaqsa ah wax looga qaban waxa uu sababi karaa in wadooyinku ay u e kaadaan sidii ay ahaayeen kahor dib u dhiska ay ku sameeyeen maamulladii isaga dambeeyay gobalka Banaadir.

Burburka soo boodada ah ayaa loo aanaynayaa taya xumada dhismaha, khibrad yarida iyo iska xil saar la’aanta mas’uuliyadda ka saaran shirkaduhu in ay dib ugu laabtaan wixii ka qaldamay farsamadooda.

Shirkado Dhawr ah ayaa dhisay waddooyinka Muqdisho kuwaas oo isugu jira shirkado ay Soomaali leedahay iyo shirkado ay leeyihiin ganacsato Turkiyiin ah, waxaana sida la aaminsanyahay shirkad kasta xilligii la siinayay qandaraasyada ay sheegatay in cilladii kusoo baxda farsamadooda ay iyagu dusha saaranayaan.

Dadka Muqdisho ku nool qaarkood waxa ay mas’uuliyadda burburka soo wajahay waddooyinka dusha ka saarayaan maamulka gobalka ee uu hoggaamiyo Eng. Yariisoow, kaas oo ay ku eedaynayaan in uusan shirkadaha kula xisaabtamin shaqada ay ka qabteen magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here