Saraakiil Dawladeed Oo Ka Bad-baaday Weerar La Doonayay In Lagu Khaarijiyo (SAWIRRO)

0
102

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa maanta ka dhacay Magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in aaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Guri Magalada Baladweyne ay ka degan yihiin Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo mar soo noqday taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan, Cumar Ibraahim Baadiyow.

Haweeney guriga joogtay ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhimatay qaraxa dad kalana ay ku dhaawacmeen.

Labada masuul guriga ayaa la sheegay in xilligii uu qaraxa dhacayay ay ka maqnaayen guriga oo  ku yaalla agagaarka Xarunta Maamulka ee  lama Galaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here