Al-shabaab oo toboneeya qof ka afduubtay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
105

Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan odayaal dhaqameed ayay ururka Al-shabaab ka afduubteen gobolka Shabeelaha Dhexe iyagoo sidoo kalena burburiyay Ceel biyood.

Al-shabaab ayaa gelinki dambe ee Khamiistii shalay weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-Muluq kadib markii iskhilaafeen iyaga iyo dadka deegaanka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay deegaanka isku geedaameen kadibna ay xireen tononeeyo qof oo shacab ah.

“Al-shabaab ayaa deegaanka ka soo weeraray jihooyin kala duwan, waxa ay dadkii deegaanka ku amreen in ay isugu yimaadaan goob bannaan ah. Dhowr qof oo rag u badan ayey la baxeen, dadkii ay xireen waxaa ku jiray odayaal dhaqameedyo” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay.

Sida laga soo xigtay qof kamid ah dadka deegaanka, ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale burburiyay halkii ceel ee ay dadka deegaanka biyaha ka cabi jireen.

Al-shabaab ayaa dadka deegaanka ku eedeeyay in ay taageero siiyaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo hub u qaatay si ay ula diriraan ururka Al-shabaab.

Ururka iskiis isku xilqaamay ee Macawiisley ayaa Al-shabaab kula dirirayay gobolka Shabeelaha dhexe muddo bilooyin ah.

Dagaal u dhexeeya maleeshiyaadkan iyo ururka Al-shabaab ayaa ka qarxay gobolka Shabeelaha Dhexe bishii Agoosto ee sanadkan.

Dagaalkan ayaa bilawday kadib markii ururka Al-shabaab ay damceen in ay askareeyaan dhalinyarada deegaanka.

Ururka Al-shabaab oo dowladda federaalka Soomaaliya la dagaalamayay tobonkii sano ee la soo dhaafay ayaa laga saaray deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen kadib dagaal dhex marayay iyaga iyo ciidamada dowladda federaalka ah oo garab ka helay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here