Khilaaf ka dhashay Taliye cusub oo ciidamada Nabadsugida Sh/dhexe loo magacaabay

0
90

Ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa xirey wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha  iyagoo u diiday in uu soo galo magaalada  Jowhar taliye cusub oo dhowaan ay dowlada federalka u soo magacawday ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada ayaa jidgooyooyin dhigey inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaalada oo ku yaal duleedka Waqooyi ee magaaladda Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka baarayaan gaadiidka maraya wadada sarkaalka loo soo magacaabay ciidamada Nabadsugida oo saaka ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar balse aan u soo gudbin gudaha magaalada.

Ciidamada xirey wadada oo ah  ciidamo Milatari ah ayaa ka soo horjeeda ka qaadista xilka taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugida gobolka Sh/dhexe C/dir Cabdule  Xaayow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugida gobolka Sh/dhexe loo bedelay gobolka Sh/hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here