Khayre ayaa ka qayb galay casho sharaf loo sameeyay koox ka timid qurbaha+Sawirro

0
94

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden ka timid, Kuwaasi oo Muqdisho u jooga ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen.

Khayre ayaa kooxda Som United iyo maamulkeeda uga mahaceliyay dadaalka ay uga qayb qaadanayaan soo noolaynta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka Bulsho.

Qurbajoogta ayuu tilmaamay in ay mas’uuliyad wayn ka saarantahay ka qayb qaadashada dib u soo noolaynta sharafta ummadda Soomaaliyeed, isagoo wasaaradda dhallinyarada ku ammaanay dardar-gelinta horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri gelinta dhallinyada.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa munaasabadda ka sheegtay in casha sharaftan ay u sameeyeen dhiirri gelinta kooxda Som United ee dalka Sweden oo Soomaaliya u timid horumarinta ciyaaraha dalka.

Madaxa wafdiga ka socda Som United Bashiir Cilmi Maxamed oo ka mahadceliyay casho sharafta ayaa ballan qaaday in ay badi doonnan socdaallada ay ku imaanayaan dalka si ay u dhiiri geliyaan horumarka ciyaaraha dalka.

Munaasabadda casho sharafta ah waxaa goob joog ka ahaa Cabdiqani Siciid Carab guddoomiyaha xariirka kubadda cagta Soomaaliya dhammaan ciyaartooyda kooxda ee Muqdisho ku sugan Bashiir Cilmi Maxamed oo ah madaxa wafdiga kooxda kubbadda cagta Som United, iyo marti sharaf kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here