Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Madax Ka Socota Qaramada Midoobay

0
101

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane C/casiis Xasan Mohamed (Lafta Gareen) ayaa maanta  Shir la qaatay wafdi ka soocda Qaramada Midoobay

Kulanka oo looga hadlay xaaladda deegaanadda Koonfur Galbeed guud ahaan ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka kamid ah ku simayaasha wasiirrada maamulka.

Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee madaxwaynuhu tan iyo sidii loo doortay 19-kii bishaan uu la yeesho madaxda qaramada midoobay.

Lafta Gareen oo aan wali la caleema saarin ayaa waxaa hor-yaalla shaqooyin badan oo qabasho u baahan afarta sano ee loo igmaday hoggaaminta maamulkaasi ka kooban sedaxda gobal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here