Guddoomiye Degmo Oo Shaqada Looga Joojiyay Tuhun Musuq-maasuq

0
85

Qoraal ka soo baxay Xafiiska ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur (Dhegawayne) ayaa shaqada looga joojiyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

Shaqo joojinta guddoomiyaha degmada ayaa loo cuskaday tuhun wax is daba-marin iyo musuq maasuq uu ku kacay Axmed Maxamed Xassan Geedoow oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Warqada shaqo joojinta loogu sameeyay Guddoomiye Axmed oo ku taariikheysneyd 23-ka December ayaa ku-xigeenka guddoomiyaha degmada ee dhinaca arrimaha bulshada, Maxamed Deeq Xasan Gaafow, lagu faray in uu shaqada si ku-meel gaar ah usii wado.

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir ayaa  sidaan oo kale isaga oo ah ku-simaha guddoomiyaha waxaa uu 5-tii September ee sanadkan shaqo joojin uu ku sameeyay guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg oo isna sidaan oo kale loogu eedeeyay musuq maasuq iyo af-lagaaddo uu u gaystay madaxda sare, kaas oo maalma uu xirnaa kadib xabsiga laga sii daayay inkasta oo uusan dib u shaqo billaabin.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid Maxamed Deeq Xasan Gaafow oo qaatay amarka maamulka gobalka ayaa warbaahinta u sheegay in shaqada ay sii wadi doono.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo go’aansaday in uu wax ka bedelo musuq-maasuqa baahsan ee dalka dhaqanka u noqday ayaa bilaabay mar hore in ay wasiirro, guddoomiyayaal degmo, saraakiil iyo shaqsiyaad kale shaqada uga joojiyaan tuhun la xariira musuq, kuwaas oo qaarkood lagu helay demni ah in ay gaysteen xatooyo xoola dadwayne laguna xukumay xabsi sannaddo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here