Wasiirka Awqaafta Oo Ka Tacsiyeeyay Dil Loo Gaystay Maxamed Ahmed Cabdi Oongooye

0
78

Kooxo Bitoolado ku hubaysan ayaa saakay xaafada Haanta Dheer ee katirsan degmada Dayniile ku dilay Maxamed Ahmed Cabdi Oongooye, oo ka tirsanaa shaqaalaha wassaaradda Diinta iyo Awqaafta.

War kooban oo lasoo dhigay Page-ka wasiirka wasaaradda Awqaafta ayaa lagu yiri, “Allah ha u naxariisto Maxamed Ahmed Cabdi Oongooye, oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo saaka lagu dilay Muqdisho”.

Sida aan wararka ku heleyno kooxaha hubeesan ayaa Maxamed Cabdi (Oongooye), waxa ay ku dileen meel aan ka fogayn gurigiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here