Maxaa Ka Jira In Rooboow Laga Sii Daynayo Xabsiga Maalmaha Uu Ku Jiray?

0
115

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo ilo wareedyo muhiim ah  ayaa sheegaya iney socdaan dadaallo xabsiga looga  deynayo sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), afhayeenkii hore ee Shabaab oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada madaxtinimada Koonfur galbeed soomaaliya, kahor inta aan xabsiga loo taxaabin.

Mukhtaar Roobow ayay ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya  waxa ay kasoo xireen magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay 13-kii bishan December kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Wararku waxa ay sheegayaan Magalaada Muqdisho ay kulamo ku yeesheen maalmahan xildhibaannada Koonfur Galbeed ku matala baarlamaanka Soomaaliya iyo  siyaasiyiin kuwaasoo ka arrinsanayay sii deynta  Roobow.

Ilo ku dhow dhow xildhibaanadan ayaa sheegaya in laga yaabo saacadaha ama maalmaha soo socda in xoriyadiisa loo celiyo, ayna jiraan shuruudo dowladu ku xirtay sii deyntiisa kuwaasoo Roobow  badankood uu ogolaaday.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in haddii la daayo Roobow uu qas iyo fowdo cusub ka bilaabo magaalada Baydhabo, balse qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda koonfur Galbeed ayaa la sheegay iney ku qancinayaan dowlada sii deynta Roobow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here