Sirta Ka Dambaysa Is-fahamka Farmaajo iyo Khayre (Maqaal)

0
326

Laga soo bilaabo burburkii dowladdii Kacaanka 1990, dalka waxaa soo maray Dowlado kala duwan oo kala waqti ahaa marka loo fiiriyo tabarta iyo xaaladaha markaa taagnaa.

Dib u milicso, Carta, Embegatti, Jabuti iyo Doorashadi Xamar; isfaham waagi Cabdullahi Yuusuf iyo Cali Geedi iyo Nuur Cadde, xasuuso Laba Shariif iyo Farmaajo, Oday Xassan iyo Saacid iyo Cabdiwali, xasaradihii soo maray Baarlamaanki 9-aad, 12 Ra’iisul wasaare oo aan badankood dhammeeysan muddo sanad dhan.

Arrimahaas oo dhan waxaa sabab u ahaa kala duwanaashaha khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, tasoo sabab u noqotay eryidda 12 Reysul wasaare oo dalka soo martay.

Haddaba, dowladdani maxay uga duwan tahay kuwii hore, odayashu maxay kaga muuqaal duwan yihiin dhiggoodii hore, isla joogoodu muxuu salka ku hayaa?

Madaxweyne Farmaajo wuxuu madalla badan uga sheegay dadka Soomaliyeed, in uu soo xulay Ra’iisul wasare shaqa badan, madaale ah, dulqaad badan ilaa uu ku tilmaamay inuu isaga ka wanaagsanyahay.

Hadal jeedinnada Relsuwasare Kheyre waxaan laga waayin amaanta iyo Masuuliyadda uu shacabka u hayo Madaxweynuhu, wuxuu halheeys ka dhigtaa “Madaxweyne Farmaajo iyo Aniguba” isagoo weliba hormarinaya Madaxweynaha.

Wada shaqeeynta, kalsoonida, is aaminaadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre waxaad ka garan kartaa hadal jeedintooda, tasoo cadeeyneysaa kalsoonida iyo xushmadda ay isu-hayaan marka aad si caafimaad leh u dhuuxdid una dhagaysatid qudbadahooda.

Ma ahan oo kaliya in ay is aamineen, wada shaqeeynayaan ee sidoo kale waxeey kala qeeybsadeen hal ku dhiggooda ah Nabad iyo Nolol.

Marka aad u fiirsatid labada erey kan hore oo Nabadda ah waxaa ku shaqeeya Madaxweyne Farmaajo halka kan danbe oo Nolol ah uu ku shaqeeyo Ra’iisulwasare Kheyre.

U fiiirso tusaalooyinka cad cad oo aan la inkiri karin ee soo socda:

1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku hoowlan yahay dhismaha ciidanka iyo tayeeyntiisa tasoo tilmaameeysa muhiimadda ay u leeyihiin Nabad ku soo dabbaalidda dalka.

2. Madaxweyne Farmaajo wuxuu u soo jeedaa har iyo habeen Nabad kuwada noolaashaha wadamada aan dariska nahay taasoo aad ka garan karto dowrka uu ka cayaarayo Nabadda geeska Afrika.

3. Madaxwene Farmaajo wuxuu ka shaqeeyay daminta colaado badan oo ka dhex-taagnaa deegaannada Soomaalida iyo shacbka isla dega ee walaalaha ah; sida daminta xiisaddi Gaalkacyo, colaadii dheereed ee Marko, dagaalladii Balanbal iyo Guriceel.

4. Madaxweyne Farmaajo wuxuu waqti badan dhex deganaa Wasaaradda Gashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga taasoo tilmaam cad u ah arrimaha Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka guud ahaan.

Reysulwasare Kheyre wuxuu ku shaqeyaa ereyga Nolol marka aad u fiirsatid shaqada xukuumadda iyo go’aannada la xiriira.

1. Kheyre wuxuu waqti badan geliyay la dagaalanka musuqa iyo maamulka maaliyadda si shaqaalaha iyo ciidanka u helaan xuquuqdoodi nololeed.

2. Ra’iisul wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisuba wuxeey har iyo habeen u taaganyihiin badbaadada Nolosha dhallinyarada iyo Maxaabiista ku dhibaateeysan dunida dacalladeeda.

3. Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu xoogga saaraa sidii shaqa abuur loogu sameeyn lahaa dhallinyarada Soomaliyeed ee la dhibaateeysan shaqa la’aanta tasoo saameeysay nolosha bulshada Soomaliyeed.

4. Kheyre iyo Xukuumaddiisu waxeey dadaal ku bixinayaan dib-u-dhiska Kaabayasha dhaqaalaha iyo sidii loo nooleeyn lahaa si umaddu uga hesho shaqo iyo Nolol.

Marka aad u dhabba gashid dhammaan arrimaha aan sare ku xusnay waxaa kuu soo baxaya in wada shaqeyn, kalsooni iyo in masuuliyadda lakala lahaado ay sabab u noqoto guulaha la gaaro.

Marnaba arki maysid Madaxweynaha oo faraha kula jira wax ka dheeri ah arrimaha dastuuriga ah ee ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka oo tilmaamaya Xilka iyo awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Sidaas si lamid ah Madaxweyne Farmaajo marnaba iskuma howlo waajibaadka iyo howlaha loo igmaday Ra’iisul wasaraha ee ku xusan qodobka 100-aad ee Dastuurka KMG oo tilmaamaya Xilka iyo awoodaha Ra’iisul wasaraha.

Abwaan Soomaaliyeed ayaa Horay u yiri “Rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeede”.

Waxaa xaqiiq ah in aan Danta guud la’aanteed mid gaar ah imaaneeyn.

Gabagabadi, Kalsoonida iyo fahamka ku saleeysan qeybsiga shaqada iyo yagleelid Hiigsi fog, himilo qaran iyo hadaf cad waa halka ay ku qotonto shaqada muuqata ee Dowladda Soomaaliya.

W/Q: Abdirashid Ismail

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here