Tuugo dhibaato ku heysa shacabka Jigjiga

0
56

Shacabka  ku dhaqan magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka cabanaya tuugo dhac u gaysaneyso shacabka oo maalmihii ugu dambeysay dhibaato ku hayay magaalada.

Tuugadan ayaa dhac ka gaysta magaalada xilliyadii habeenkii iyo maliinkiiba, waxayna shacabka ka dhacaan telefoonada halka qaar kamid ah ay waddooyinka u fariistaan shacabka.

Qaar kamid shacabka Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in tuugada ay soo bateen maalmihii u dambeysay isla markaasna inta badan ay dhac u gaystaan habeenkii.

Qaar kamid ah shacbka ayaa rumeysan in xoriyaradda ay keentay arrintani halka qaar kalena ay sheegayaan in booliska ay ka gaabiyeen howshooda sugidda ammaanka.

Madaxa dambi baarista Jigjiga, Maxamuud Cabdi Haadi ayaa sheegay inay hayaan qaar kamid ah tuugada halka qaar kalena ay sii daayeen.

“Maadaama, hadda ka hor xabsiyada laga sii daayay way jirtaa tuugadu, xubno badan oo aan baaristooda ku jirnay way jirtaa,kuwo la xukumayna way jiraan”.

Wuxuu sheegay inay wadaan baaritanno ay ku ogaanayaan waxa dhaliyay inay soo kordhaan dhacdooyinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here