IOM Oo Qaadatay Amarkii Dawladda Soomaaliya

0
86

Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi.

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xassan, oo ka qeybgalay munaasabadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31-ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya.

Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal Hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho.

Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here