Al-Shabaab oo sheegtay in ay toogteen Sarkaal ay basaas ku tilmaameen iyo Howlgalo ka dhan ah kooxda oo ka socda Sh.Hoose.

0
87

Gobolka Shabellaha hoose Maxkamad ku taallo oo ay leeyihiin Al-shabaab ayaa sheegatay in ay xukun dil ah ku riday Sarkaal  ka tirsanaa Dowlada Soomaaliya  .

Ninka ay dileen ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cali Maxamed waxeeyna sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowlada, iyagoo u eedeeyay in uuCiidamada midowga Africa ee AMISOM uu la shaqeynayey.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Tuulooyin hoostaga deegaanka Dhanaane.

Ciidamada ayaa miino baaris waxaa ay ka sameynayaan tuulooyinka hoostaga deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabeelaha hoose, kadib markii dhawaan halkaasi laga saaray Al-Shabaab oo gacanta ku hayay.

Dhawaan Deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe ayaa Ciidamada Dowladda ka wadaan dhaqaaqyo militari,,waxaana deegaanadaasi dhowr jeer ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here